Ciidamada Xoogga dalka iyo  kuwa Jubba-land oo Si Buuxda Ula Wareegay Deegaanka Cabdalla Biroole+Sawirro

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo  kuwa daraawishta Maamulka Jubba-land ayaa si nabad galyo ah kula wareegay deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada hoose oo dhanka koonfureed uga beegan magaalada Kismaayo qiyaas ahaana u jira 60KM.

Deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada hoose waxaa mudooyinkii dambe ku sugnaa xarakada Al-shabaab oo mararka qaar weeraro ku qaadi jirtay deeganada ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya iyo kuwa Jubba-land.

Ciidamada huwanta ah ayaa la sheegay in aysan la kulmin wax iska caabin ah oo kaga yimid dhanka Xarakada Al-shabaab, dadweynaha deegaanka ayaa si diiran usoo dhaweeyay la wareegitaanka Ciidamada.

Lawareegida gacan kuhaynta deegaanka Cabdalla biroole  ee Gobolka Jubada Hoose ayaa bilow u ah hawlgalka loogu magac darey wabiga-Jubba ee deegaanada Jubbaland loogu sifeynayo Alshabaab.

img_1526 img_1939 img_1799 img_1784 img_1719 img_1672 img_1649 img_1616 img_1946 img_1958 img_2035 img_2071 img_2096 img_2117 img_2153

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here