Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa daraawishta Maamulka Jubba-land ayaa si nabad galyo ah kula wareegay deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada hoose oo dhanka koonfureed uga beegan magaalada Kismaayo qiyaas ahaana u jira 60KM.
Deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada hoose waxaa mudooyinkii dambe ku sugnaa xarakada Al-shabaab oo mararka qaar weeraro ku qaadi jirtay deeganada ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya iyo kuwa Jubba-land.
Ciidamada huwanta ah ayaa la sheegay in aysan la kulmin wax iska caabin ah oo kaga yimid dhanka Xarakada Al-shabaab, dadweynaha deegaanka ayaa si diiran usoo dhaweeyay la wareegitaanka Ciidamada.
Lawareegida gacan kuhaynta deegaanka Cabdalla biroole ee Gobolka Jubada Hoose ayaa bilow u ah hawlgalka loogu magac darey wabiga-Jubba ee deegaanada Jubbaland loogu sifeynayo Alshabaab.
















