Taliska Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku Dhawaqay Howlgal ka Dhan ah Al-shabaab oo looga Saarayo Deegaanada ay ka Sugan yihiin Gobalada Mudug iyo Galgaduud kaasi oo Dhawaan ay ka Bilaabi Doonaan Deegaanada Maamulka Galmudug.
Abaan-duulaha Ciidamada Xooga Dalka General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar ayaa Shaaciyey in ciidamada Xooga Dalka Soomaliyeed iyo AMISOM ay isku Diyaariyeen Howlgal Balaaran oo Xarakada Al-shabaab meesha looga saarayo Kaasi oo Wajiga ugu Muhiimsan uu ka Bilaanban Doono Gobalada Dhexe.
General Cali Baashi ayaa Hogaanka Ciidamada Militariga Soomaaliya oo Gobalada Mudug iyo Galgaduud ugu baaqay in a Heegan uga galaan Howlgalkaas oo Maalmo Cayiman ka Dib ka Bilaaban Doona Galmudug waxa uuna Balan qaad u sameeyey Saraakiisha Hogaaminaysa Howlkaas oo uu Xusay Darajoojin Sare loo Dalacsiin doono Hadii ay Guulo ka Soo Hooyaan Dagaalka uu Iclaamiyey in Al-shabaab lala gali Doono.

