Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ku Eedeeyey Ha’yadda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga Aduunka ee UNHCR inay Jabisay Heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Magaalada Nairobi ay ku Wada gaareen Dowlada Soomaaliya,Kenya iyo Ha’yadda oo Dhigayey inay Kaalin Muuqata ay ka qaadato Dib u Dajin loo Sameeyo Dadka Qaxootiga ah ee Dib loogu soo Celinayo Soomaaliya.
Wasiira Arimaha Gudaha Maamul Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya C/raxmaan Ibraahim Aadan Sate oo la hadlay Idaacada Simba ayaa ku edeeyey Ha’yadaha Qaramada Midoobay inay ka gaabiyeen inay ka qeyb qaataan Dib u dajinta Dadka Qaxootiga ah ee soo gaaraya Deegaanada Koonfur Galbeed Taasi oo ka dhigan Qaramada Midoobay ay Jabiyeen Heshiiskii Sadex Geesoodka ah ee Bishii Abriil ay Nairobi ku kala Saxiixdeen Dalka Soomaaliya,Kenya iyo Hay’addaUNHCR.
Wasiir ayaa Sheegay in Dadka laga Soo Celiyay Xaryaha Qaxootiga Dalka Kenya ee soo Gaaray Gobalada Maamulka Koonfur Galbeed ay hada Wajahayaan Dhibaatooyin kala Duwan oo Dhanka Nolosha ah islamarkaana loo baahan in laga hortago arintaas.

