Ciidamo ka Tirsan kuwa Amisom oo La Geyn Doono Magaalada Cadaado+Dhageyso

0

Madaxweyne ku Xigeen Maamulka Galmudug iyo Madaxda  Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kala saxiiday Heshiisa Ciimada AMISOM ay Saldhig uga Sameysanayaan Magaalada Cadaado oo Xaruun ku Meel gaar ah u ah Galmudug.

Heshiiskaan oo ah Mid Ogalaanaya in Ciidamada AMISOM ay ka Howlgalaan Deegaanada Maamulka Galmudug ayaa Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud waxaa ku kala  Saxiixday Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabay),Madaxa Arimaha Siyaasada AMISOM iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Jeneral Cismaan Nuur Subagle.

Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug oo Saxaafada kula Hadlay Cadaado ayaa Sheegay Saraakiisha AMISOM ay wada gaareen Heshiis Ciidamada ay Saldhiyo ay ka Howlgalaan ay uga Sameysanayaan Magaaladaas waxa uuna Xusay Madaxa AMISOM ay ka wada hadleen Adkaynta Amaanka Doorashooyinka Deegaanada Galmudug iyo in la qaado Howlgal Al-shabaab looga Saarayo Meelaha ay kaga Sugan Yihiin Gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabay),  ayaa sheegay in dhawaan Cadaalado la hor keeni doono dadkii ka dambeeyay dilal Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduuud  loogu geystay Nabadoono si weyn loogu yaqaanay halkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here