Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Cali Baashi Maxamed Cumar,Taliyaha Ciidanka Midowga Afrika AMISOM Jeneraal Cusmaan Nuur Subagle iyo saraakiil ka Tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa maanta Gaaray Magaalada Cadaado ee caasimada Kmg-ga ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Markii ay ka dageen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado ayaa waxaa loo galbiyay Mas’uuliyiintaas Madaxtooyada Maamulka Galmudug, halkaasi oo iminka kulamo ay kula leeyihiin masuuliyiinta Maamulka Galmudug.
Ujeedka safarka Mas’uuliyiinta ayaa lagu sheegay sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen saraakiisha Guutada 11aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybta Gobollada Mudug iyo Galgaduud, iyagoo kala hadli doona dardar galinta dagaalka Goboladaas loogu saarayo Xarakada Al-shabaab.
Dowladda Soomaliya ayaa dhawaan sheegtay in la bilaabi doono Howlgal balaraan oo Gobolada dalka loogu saarayo Xarakada Al-shabaab.





















