Ciidamada Booliska Magaalada Cadaado oo Gacanta Kusoo Dhigay Nin Dil ka Geystay Deegaanka Galinsoor

0

Ciidamada Booliska Degmada Cadaado ee Maamulka Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay nin dil ka geystay deegaanka Galinsoor  ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Cadaado ee Galmudug Cumar Macallin Cali ayaa sheegay howlgal qorsheysan oo ciidamada Booliska Galmudug ay ka sameeyeen duleedka Degmada Cadaado in ninkaan lagu soo qabtay, islamarkaana uu haatan ku xiran yahay saldhiga Booliska cadaado.

“Ciidanka Booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ayaa ku guuleystay inay soo qabteen nin dil geystay kadib markii aan Saddex jiho ka raadinay, saacado gudaheed ayeey ciidanka soo qabteen” ayuu yiri taliyaha Ciidamada Booliska degmada Cadaado Cumar Macalin.

Dhanka kale Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta ku wajahan  degmada Cadaado ee  Caasimada kmg-ga ee  Maamulka Galmudug iyagoo kulamo la qaadan doona Madaxda Maamulkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here