Ganacsatada qaadka Magaalada Baydhabo ayaa Sheegay in Go’aanka Dowlada Soomaaliya ay ku joojisay Qaadka uusan ka dhaqan gali doonin Magaaladaasi
Mowliid Qaasim oo ka mid ah Ganacsatada Qaadka ee Magaalada Baydhabo oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay in aysan wax walwal ah ka qabin in hakad uu ku yimaado Duulimaadyada Diyaaradaha Qaadka ka keena Dalka Kenya.
Ganacsade Mowliid ayaa Sheegay Duulimaadyada Diyaaraha ay Shalay Dib u Bilaabeen imaatinkoodi Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay isla markaana maanta ay Sugayaan Diyaaradii qaadka uga keeni jirtay Wadanka Kenya.
Wasaarada Duulista iyo Saadaasha Hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xayiraad saartay Qaadkii Soomaaliya uga imaan jiray Dalka dariska la ah ee Kenya ka Dib Markii ay soo baxeen Warar Sheegaya Dowlada Kenya ay dal Madax banana u Aqoonsatay Maamulka Soomaaliland.

