Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maanta kulan muqdisho ay ku qabatay kadib waxa ay sheegtay in ay soo gaba-gabeysay Shirarkii Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada iyo tan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
C/Rashiid Max’ed Xidig oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya oo shirka kadib wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Simba ayaa sheegay in shirarkaani ay soo mareen marxalado kala duwan,
Wasiiru dowlaha ayaa intaasi kusii daray in shirarkaani lagu soo kala qabtay magaalooyinka ay ku shaqeeyaan Dowlad goboleedyada dalka ka jira sida: Koonfur Galbeed, Jubba-land, Puntland, Galmudug iyo Mgaalada muqdisho oo ah Caasimada Soomaaliya.
C/Rashiid Max’ed Xidig Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaan hor dhignay su’aal ah sida ay ugu qeybta ahaayeen Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo aanan kamid aheyn dowlad Goboleedyada dalka ka jira ayaa ku jawaabay in Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe oo aan wali la dhisan in ay qeyb ka ahaayeen shirka islamarkaana soo socda si rasmi ah loosoo gaba-gabeyn doono dhismaha Maamulkaas.
Shirarkii u dhaxeeyey Wasaaradaha Arimaha Gudaha dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka oo ay socod siineysay Wasaaradda ArimahaG iyo federaalka Soomaaliya kuwaasi oo maalinba Gobol lagu qabanaye ayaa looga hadlay arrimo fara badan,waxaana lagu heshiiyay in 26-degmo oo ka tirsan Dowlad Goboleedyada dalka in ay yeeshaan Dowlado Hoose oo ay ku mideysan yihiin,
Waxaa la sugayaa sidii ay u hirgali laheyd natiijada kasoo baxday qodobadii ay ku heshiiyeen Wasaaradaha arimaha Gudaha ee dowlad Goboleedyada dalka ka jira iyo tan Dowladda Soomaliya.

