Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed Maxamed Shiikh Xasan Xaamuud oo Dhagax Dhigay Saldhig Cusub

0

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud  ayaa maanta dhagax dhigay saldhig cusub oo uu yeelanaayo degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Munaasabadda Dhagax dhiga saldhiga waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane Yusuf Xuseen Jimcaale “Madaale”, Maamulka degmada Waabari, iyo Mas’uuliyiin kale.

Ugu horeyntii Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane Yusuf Xuseen Jimcaale “Madaale”, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha saldhiga laga fuliyay mashruuca dalkaada dhiso oo ah mashruuc uu maamulka Gobolka ugu talo galay horumarinta caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Dhanka kale Taliya Ciidamda Boliiska Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dhankiisa tilmaamay in dhisamaha saldhigga cusub ee degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir uu waxbadan ka badali doono amniga degmada iyo kan Gobolka Banaadir, isagoo ugu baaqay Shacabka degmada in ay la shaqeeyaan Ciidamada booliska.

Dhismaha Saldhiggaan cusub  ee degmada Waabari ayaa waxaa laga hirgaliyay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in dhismihiisa uu fududeyay maamulka Gobolka Banaadir.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here