Rag Lagu Eedeeyay Weerarkii Xaruntii Ganacsi ee  Westegate Mall oo Maxkamad Lasoo Taagay

0

Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa  waxaa la soo taagay rag lala xiriirinayo inay Alshabaab u fududeeyeen Weerarkii bishii September 21-dii  sannadkii 2013-kii lagu qaaday Dhismaha xaruntii  Ganacsiga ee Westgate Mall.

Ragga Eedeysanayaasha ee la sheegay in shalay la soo taagay Maxkamadda waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Mohaed Abdi, Liban Omar, Xuseen Mustafa iyo nin magaciisa lagu soo koobay Aadan.

Eedeysane shanaad oo lagu magacaabo Abdikadir Mohammed, oo la sheegay in uu ku lug lahaa dhacdadaas islamarkaana  uu kireeyay gaarigii qaraxa loo isticmaalay ayaa la sheegay in weli la weysanyahay.

Muuqaal ay duubeen kaamarooyinka qarsoon oo maxkamada laga hor shiday ayaa mujiyay ragaan oo dhaq dhaqaaqyo kasamaynaya mallka dhexdiisa intuusan dhicin weerarka.

Sidoo kale Marqaati ayaa maxkamada ka sheegay in eedeysanayaashaan ay la xiriireen dadkii weerarka geystay in kabadan 300 jeer kahor intii uusan weerarku dhicin

Mall-kaan oo ahaa xarun ganacsi ayaa la weeraray bishii September 21-keedii waxayna qaadatay in weerarkaas lasoo afjaro mudo 4 maalin ah waxaana lagu dilay dad kor u dhaafaya 67 qof tiro intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here