Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa la soo taagay rag lala xiriirinayo inay Alshabaab u fududeeyeen Weerarkii bishii September 21-dii sannadkii 2013-kii lagu qaaday Dhismaha xaruntii Ganacsiga ee Westgate Mall.
Ragga Eedeysanayaasha ee la sheegay in shalay la soo taagay Maxkamadda waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Mohaed Abdi, Liban Omar, Xuseen Mustafa iyo nin magaciisa lagu soo koobay Aadan.
Eedeysane shanaad oo lagu magacaabo Abdikadir Mohammed, oo la sheegay in uu ku lug lahaa dhacdadaas islamarkaana uu kireeyay gaarigii qaraxa loo isticmaalay ayaa la sheegay in weli la weysanyahay.
Muuqaal ay duubeen kaamarooyinka qarsoon oo maxkamada laga hor shiday ayaa mujiyay ragaan oo dhaq dhaqaaqyo kasamaynaya mallka dhexdiisa intuusan dhicin weerarka.
Sidoo kale Marqaati ayaa maxkamada ka sheegay in eedeysanayaashaan ay la xiriireen dadkii weerarka geystay in kabadan 300 jeer kahor intii uusan weerarku dhicin
Mall-kaan oo ahaa xarun ganacsi ayaa la weeraray bishii September 21-keedii waxayna qaadatay in weerarkaas lasoo afjaro mudo 4 maalin ah waxaana lagu dilay dad kor u dhaafaya 67 qof tiro intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen.

