Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Al-shabaab ay isku dayayaan in ay carqaladeeyaan doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkaan 2016-ka balse shacabka iyo dowladda oo isku duuban ay arintaas ka hortagi doonaan.
“Arinta ku saabsan dagaalka nimanka Al-shabaab runtii waa dagaal culus oo dhamaanteena aan dadaal ugu jirno, waxa ay isku dayayaan in ay carqaladeeyaan doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkaan, ujeedkooda waxa uu yahay in aysan dalkaan doorasho ka dhicin, balse Alxamdulilaah shacabka Soomaliyeed waxa ay gaareen biseyl siyaasadeed waxaan rajeenaynaa in ay ka qeyb qaataan doorashooyinka dalka”, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya.
Dhanka kale Al-shabaab ayaa dhawaan sheegay in ay weeraro ku qaadi doonaan goobaha lagu qaban doono doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkaan 2016-ka.

