Booliska Dalka Kenya oo Su’aalo Weydiinaya Dhalinyaro Loogu Shakisan Yahay Al-Shabaabnimo

0

Booliska Magaalda Isiolo ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in ay su’aalo weydiinayaan  7 qof oo looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihin Al-Shabaab kuwaas oo la xiray usbuucyadii lasoo dhaafay.

Dadkaan ay boolisku baaritaanka ku hayaan ayaa la sheegay in dhamaantooda ay  da’doodu ka hoosayso 35-sano jir waxaa lagu qabtay sida boolisku ay sheegay Walxo looga shakiyay in ay yihiin kuwa Qaraxyada laga sameeyo.

Eedeysanyaashaan ayaa sidoo kale waxa lagu tuhunsanyahay in ay dhalinyo u qorayeen Xarakada al shabaab,waxaana gacanta lagusoo dhigay waqtiyo kala duwan sida booliska Magaalda Isiolo ee dalka Kenya ay sheegeen.

Gudoomiyaha degmada Isiolo Mudane George Natembeya ayaa sheegay in boolisku ay codsadeen in lasiiyo waqti dheeraad ah oo ay baaritaan ku sameeyaan dhalinyaradaan  loogu shakisan yahay kamid ahaan shaha Al-shabaab.

Mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa la sheegey in laga soo xiray Xaafada  Bula Pesa waxaana lagu eedeyay in 6 dhalinyaro ah oo illaa iyo hadda la weysanyahay uu ufududeeyay sidii ay ugu biirilahaayeen Xarakada Al shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here