Booliska Magaalda Isiolo ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in ay su’aalo weydiinayaan 7 qof oo looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihin Al-Shabaab kuwaas oo la xiray usbuucyadii lasoo dhaafay.
Dadkaan ay boolisku baaritaanka ku hayaan ayaa la sheegay in dhamaantooda ay da’doodu ka hoosayso 35-sano jir waxaa lagu qabtay sida boolisku ay sheegay Walxo looga shakiyay in ay yihiin kuwa Qaraxyada laga sameeyo.
Eedeysanyaashaan ayaa sidoo kale waxa lagu tuhunsanyahay in ay dhalinyo u qorayeen Xarakada al shabaab,waxaana gacanta lagusoo dhigay waqtiyo kala duwan sida booliska Magaalda Isiolo ee dalka Kenya ay sheegeen.
Gudoomiyaha degmada Isiolo Mudane George Natembeya ayaa sheegay in boolisku ay codsadeen in lasiiyo waqti dheeraad ah oo ay baaritaan ku sameeyaan dhalinyaradaan loogu shakisan yahay kamid ahaan shaha Al-shabaab.
Mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa la sheegey in laga soo xiray Xaafada Bula Pesa waxaana lagu eedeyay in 6 dhalinyaro ah oo illaa iyo hadda la weysanyahay uu ufududeeyay sidii ay ugu biirilahaayeen Xarakada Al shabaab.

