Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa maanta gaaray wafdi ka socda Wasaaradda Arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya iyo Urur Goboleedka IGAD.
Ujeedka wafiga ka socda Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen waxgaradka kasoo kala jeeda Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe iyagoo kala hadli doona sidii loo dardar galin lahaa shirka Maamul u sameynta .
Dhanka kale Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Shamarke oo hadal Maanta ka jeediyay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo maanta ka Furmay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in go’aanka maamul u sameynta Gobol Hiiraan iyo Shabellada Dhexe laga saaray shirka.
shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa Dowladda Soomaliya ku Noqday caqabad iyadoo Urur Goboleedka IGAD dhawaan si rasmi ah loogu wareejiyay Hanaanka shirka.

