Wafdi ka Socda Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaliya iyo Urur Goboleedka IGAD oo Gaaray Magaalada Jowhar

0

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa maanta gaaray wafdi ka socda Wasaaradda Arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya   iyo Urur Goboleedka IGAD.

Ujeedka wafiga ka socda Wasaaradda Arimaha Gudaha  Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen waxgaradka kasoo kala jeeda Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe iyagoo kala hadli doona sidii loo dardar galin lahaa shirka Maamul u sameynta .

Dhanka kale  Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Shamarke oo hadal Maanta  ka jeediyay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo maanta ka Furmay Magaalada Muqdisho ayaa  sheegay in  go’aanka maamul u sameynta Gobol Hiiraan iyo Shabellada Dhexe laga saaray  shirka.

shirka Maamul u sameynta  Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa Dowladda Soomaliya ku Noqday  caqabad iyadoo Urur Goboleedka IGAD dhawaan si rasmi ah loogu wareejiyay Hanaanka shirka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here