Maamulka Gobolka Banaadir oo Faah-faahin ka Bixiyay Qarax ka Dhacay Wadada Maka Al Mukarama+Dhageyso

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay qarax gaari oo duhurnimadii maanta  ka dhacay afafka Hore Hotelka Wardheere oo saaran Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho  sidoo kalana u dhow saldhiga Degmada Waabari.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo Warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa lagu xiray gaari islamarkaana ujeedka uu ahaa in lagu qaarijiyo Ganacsade Xuseen jaamici oo kamid ah Ganacsatada Soomaliyeed islamarkaana goob Ganacsi ku leh  Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

“Ujeedka qaraxa waxa uu ahaa in lagu qaarijo Ganacsade Xuseen jaamici oo kamid ah Ganacsatada Soomaliyeed markuu Gaariga ka dagtay kadib ayuu qaraxa dhacay, dhaawac yar ayaa  kasoo gaaray dhanka wajiga, haatan  xaaladiisa waxa ay tahay mid aad u wanaagsan” ayuu yiri  Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane.

Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir mudane C/fitaax Cumar Xalane ayaa ku eedeeyay Al-shabaab In ay usoo jeesteen beegsiga shacabka Soomaliyeed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here