Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Axmed Jaamac Jangali oo la hadlay Bbc-da ayaa sheegay in dhammaan duulimaadyada qaadka ee ka imaan jirey dalka kenya laga billaabo barito oo Talaado ah oo bisha September ay tahay 6 In si kumeel gaar ah loo joojiyay.
Wasiir Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa BBC-da u sheegay in ”duruufo jira awgood” ay si ku meel gaar ah u joojiyeen duulimaadyada qaadka ka yimaada Kenya isagoo ka gaabsaday in uu carrabka ku dhufto sababta arintaasi keentay balse waxa uu tilmaamay in ay dib ka soo sheegi doonaan waxyaabihii kasoo kordha.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababaha loo joojiyay qaadkii ka imaan jirey dalka Kenya ay qeyb ka tahay qilaaf soo kala dhexgalay Dowladaha Kenya iyo Soomaliya.
Soomaaliya waa suuqa ugu weyn ee la keeno qaadka Kenya laga soo dhoofiyo iyadoo ugu yaraan 16 duullimaad oo sida qaad ay maalin kasta kasoo dagaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan cadde.

