Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo maanta hoygiisa Warbaahinta kula hadlay ayaa ka hadlay arrimaha shirka Madashada Wadatashiga Qaranka iyo in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaliya doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkaan.
Ugu horeyntii Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay in wixii xiligaan ka dambeeya uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaliya islamarkaana uu kalsooni buuxdo ku qabo in guul uu ka gaari doono doorashada Madaxtinimada ee Soomaliya isagoo xusay waxyaabaha uu wax ka qaban doono haduu ku Guuleysto Doorashada Madaxweynimo ee Soomaliya.
“Waxaa maanta rabaa in aan cadeeyo in aan ahay Musharax Madaxweyne, dalkaan waxa uu u baahan yahay isbadal siyaasadeed afarta sano ee soo socota waxaan wax badan ka qaban doonaa dhamaan waxyaabaha uu dalkaan u bahan yahay”ayuu yiri Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar C/rashiid.
Dhanka kale Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa soo hadal qaaday shirka Madasha wadatashiga qaranka ee Muqdisho ku yeelanayaan Madaxda Dowlada Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo waxyaabaha diirada lagu saari doono shirka iyo Muddo uu socon doono.




