Faah-faahin:-Gaari Laga Soo Buuxiyay Waxyaabaha Qarxa oo ku Qarxay Wadada Maka Al Mukarama

0

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa Duhurnimadii Maanta ku qarxay afafka Hore Hotelka Wardheere oo saaran wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay oo la sheegay in   noociisu uu ahaa SURF, ayaa waxaa looga tagey hareeraha Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho, waana meel ku dhow Saldhiga Booliska ee Degmada Waaberi.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhaawacantay qarxa Gaari sida dad halkaas ku sugan ay inoo sheegeen.

Dhanka kale Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee Nisa ayaa gaaray goobta iyagoo gabi ahaanba xiray wadada Maka Al Mukarama.

Saraakiil ka Tirsan dowlada Soomaliya  ayaa sheegay in qaraxa lala damacsanaa in lagu qaarijiyo Ganacsade Xuseen Jaamici.

2-3-768x576 14141989_1295971923769094_9198989725334469228_n-768x432

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here