War kasoo baxay Xarakada Al-shabaab aya lagu sheegay in ay ciidankooda iska difaaceen Weerar Ciidamo Mareykan ah ay Ku Qaadeen deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya.
Sarkaal ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo la hadlay Idaacada ka hadasha afka al-shabaab Andalus ayaa wuxuu sheegay in weerarkaasi oo dhacay xalay abaarihiii 2:00 habeenimo in ciidamada Shabaab ay iska difaaceen weerarka kaga yimid ciidamada Mareykanka.
Wuxuu sheegay Sarkaalkaan ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ciidamada Mareykanka inay la galeen dagaal fool ka fool ahaa, islamarkaana ay ka difaacdeen iskudaygii ahaa inay gudaha u galaan Deegaanka deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale jirey duqeyn diyaaradeed oo lala bartilmaameedsaday saldhig Xarakada Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay.
Deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya ayaa kamid ah goobaha ay ku xoogan yihiin Xarakada Al-shabaab.

