Al-shabaab oo ka Hadlay Weerar Ciidamo Mareykan ah ay ku Qaadeen Deegaanka Tooratoorow ee Shabeelaha Hoose

0

War kasoo baxay Xarakada Al-shabaab  aya lagu sheegay in ay ciidankooda  iska difaaceen Weerar Ciidamo Mareykan ah ay Ku Qaadeen deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya.

Sarkaal ka tirsan Xarakada  Al Shabaab oo la hadlay Idaacada ka hadasha afka al-shabaab Andalus ayaa wuxuu sheegay  in weerarkaasi oo dhacay xalay abaarihiii 2:00 habeenimo in ciidamada Shabaab ay iska difaaceen weerarka kaga yimid ciidamada Mareykanka.

Wuxuu sheegay Sarkaalkaan ka Tirsan Xarakada Al-shabaab  ciidamada Mareykanka inay la galeen dagaal fool ka fool ahaa, islamarkaana ay ka difaacdeen iskudaygii  ahaa inay gudaha u galaan Deegaanka deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale jirey duqeyn diyaaradeed oo lala bartilmaameedsaday saldhig Xarakada  Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay.

Deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya ayaa kamid  ah goobaha ay ku xoogan yihiin Xarakada  Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here