Wasiirka Hub ka Dhigista koonfur Galbeed:- Waxaan Dilnay 3 Dagaalyahan oo ka Tirsanaa Xarakada Shabaab

0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay kusoo bandhigay hub ay sheegeen in laga soo Furtay dagaalyahano ka Tirsan xarakada  Al-shabaa kadib Howlgal ay ka sameeyeen deegaano ka Tirsan Gobolkaas.

Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay)  Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo la hadlay  Warbaahinta ayaa sheegay Howlgal gaar ah oo ay sameeyeen Ciidanka Koonfur Galbeed Soomaliya  in ay ku soo furteen 5 Qori oo AK47 ah iyo Agab kale oo ciidan, isagoo sidoo kale sheegay in Howlgalkaasi ay ku dileen 3 Dagaalyahan  oo ka tirsan Shabaab.

Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya  Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) ayaa tilmaamay in Howlgalkaan  uu ahaa  mid qorshaysan uuna ka dhacay meel Deegaanka Labaatan-jirow 6KM ujirta islamarkaana ay mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Ciidamada Xarakada All-shabaab.

Ilaa hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakada Al-shabaab  oo ay ugu Hadlayaan sheegashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here