Xidiga qadka Dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain Adrien Rabiot ayaa sheegay in uu doonayo Mustaqbalka dhow ka ciyaarista Horyaalka Premier League
21-sano jirkaan ayaa bilo kooban u ciyaaray kooxda Manchester City madaama uu kamid ahaa xidigii kasoo baxay Academy-da kooxdaas balse waxa uu ku guuldareystay in uu helo booska kowaad ka hor inta uusan ku biirin kooxda Paris Saint-Germain.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka France Adrien Rabiot ayaa aaminsan in Ingiriiska uu yahay mid kamid ah Horyaalada uu aadka u xiiseeyo xiligaa.

