Donald Tusk: “Dalalka ku Yaala Qaarada Yurub Waxa ay Qarka U Saaran Yihiin in ay Joojiyaan Aqbalitaanka Qaxootiga”,

0

Madaxweynaha Ururka Midowga yurub Donald Tusk ayaa sheegay maanta oo axad ah in dalalka ku yaala qaarada Yurub ay  qarka u saaran yihiin  in ay joojiyaan aqbalitaanka Qaxootiga ku qulqulaya dalalkaas,waxaana uu ku booriyay bulshada caalamka in ay sameeyeen waxbadan si wax loogu qabto dadka soo cararaya.

Hadalkaan madaxweynaha ayaa waxa uu ku wajahanyahay Qaxootiga isa soo taraya ee ku qulqulaya Qaarada Yurub kuwaas oo ka imaanaya Wadamada ay xasilooni daradu ka jirto  sida Syria, Iraq, Eritrea ,Somaliya, iyo wadamo kale.

Mr Tusk Madaxweynaha ururka Midowga yurub ayaa ku booriyay saaxiibadiisa kale ee Ururka  xubnaha ka ah inay taageeraan sidii wax loogu qaban lahaa Qaxootiga Caalamka.

Hadalkaan ayaa ka dambeeyay kadib ku dhowaad usbuuc oo shir uga socday dalka Shiinaha wadamada Warshadaha ku hormaray ee G20 la isku yiraahdo, ayadoona sidoo kale shirkaan uu kusoo beegmay waqti xasaasi ah oo uu sii kordhay qul qulka Qaxootiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here