Dhageyso:-Shil Gaari oo Geystay Qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Deegaanka Garas-baaley

0

Maamulka deegaanka Garas-baaley ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa Faah-faahin ka bixiyay shil Gaari oo qasaaro dhimasho iyo dhaawac sababay oo  saakay ka dhacay Gudaha deegaankaas.

Gudoomiyaha deegaanka Garas-baaley ee duleedka Magaalada Muqdisho C/raxmaan Garyare oo la hadlay idaacadda simba  ayaa sheegay in 1-qof  uu dhintay qof kalana uu  dhaawacmay  kadib markii Gaari xamuul siday uu saakay shil  gaari uu ku galay  deegaanka, balse ay gacanta kusoo dhigeen Gaariga Maamulka haatan lagu wareejiyay laamaha amniga dalka.

Sidoo kale  Gudoomiyaha deegaanka Garas-baaley ee duleedka Magaalada Muqdisho Mudane C/raxmaan Garyare ayaa tilmaamay in darawalkiisa gaari waday uu iska dayay markii hore  in uu  la baxsado gaariga balse ay laamaha amniga ay ku guuleysteen in lasoo qabto haatana baaritaano lagu hayo.

Shilka gaari ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari xamuul siday iyo dhalinyaro baaskiil ka xeynaysay subaxnimadii hore ee saakay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here