Maamulka deegaanka Garas-baaley ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa Faah-faahin ka bixiyay shil Gaari oo qasaaro dhimasho iyo dhaawac sababay oo saakay ka dhacay Gudaha deegaankaas.
Gudoomiyaha deegaanka Garas-baaley ee duleedka Magaalada Muqdisho C/raxmaan Garyare oo la hadlay idaacadda simba ayaa sheegay in 1-qof uu dhintay qof kalana uu dhaawacmay kadib markii Gaari xamuul siday uu saakay shil gaari uu ku galay deegaanka, balse ay gacanta kusoo dhigeen Gaariga Maamulka haatan lagu wareejiyay laamaha amniga dalka.
Sidoo kale Gudoomiyaha deegaanka Garas-baaley ee duleedka Magaalada Muqdisho Mudane C/raxmaan Garyare ayaa tilmaamay in darawalkiisa gaari waday uu iska dayay markii hore in uu la baxsado gaariga balse ay laamaha amniga ay ku guuleysteen in lasoo qabto haatana baaritaano lagu hayo.
Shilka gaari ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari xamuul siday iyo dhalinyaro baaskiil ka xeynaysay subaxnimadii hore ee saakay.

