Shirka Sanad Laha ah ee G20-ga oo Maanta ka Furmaya Magaalada Hangzhou ee Dalka Shiinaha

0

Magaalada Hangzhou   Gobolka Zhejiang ee dalka Shiinaha waxaa Maanta ka Furmaya Shirka sanad laha ah  ee Wadamada G20-ga oo Sanadkiiba mar la qabto.

Shirkaan waxaa ka qeyb galaya  Madaxweynayaasha wadamada  caalamka ee kamidka ah  G20 sida Argentina, Australia, Brazil, Canada, China, France, Germany, India, Indonesia, Italy, Japan, South Korea, Mexico, Russia, Saudi Arabia, South Africa, Turkey, ingiriiska,  United States iyo Midowga Yurub kuwaasi oo ka doodi doona arrimaha dhaqaalaha.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in looga hadlo Sanadkaan arimaha dhaqaalaha ee wadamada barwaaqo sooranka ee lagu magacaabo G20, waxaana shirka sidoo kale ka qeyb galaya Xogyaha guud ee Qaramada Midoobe Mr. Ban K-Moon.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here