Magaalada Hangzhou Gobolka Zhejiang ee dalka Shiinaha waxaa Maanta ka Furmaya Shirka sanad laha ah ee Wadamada G20-ga oo Sanadkiiba mar la qabto.
Shirkaan waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaasha wadamada caalamka ee kamidka ah G20 sida Argentina, Australia, Brazil, Canada, China, France, Germany, India, Indonesia, Italy, Japan, South Korea, Mexico, Russia, Saudi Arabia, South Africa, Turkey, ingiriiska, United States iyo Midowga Yurub kuwaasi oo ka doodi doona arrimaha dhaqaalaha.
Shirkaan ayaa lagu wadaa in looga hadlo Sanadkaan arimaha dhaqaalaha ee wadamada barwaaqo sooranka ee lagu magacaabo G20, waxaana shirka sidoo kale ka qeyb galaya Xogyaha guud ee Qaramada Midoobe Mr. Ban K-Moon.

