
Madaxweynihii Wadanka Uzbekistan, Islam Karimov, ayaa waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay Magaalada Samarkand, oo ah goobtii uu ku soo barbaaray.
Aaska Madaxweynihii Wadanka Uzbekistan, Islam Karimov waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Uzbekistan, Ra’iisal Wasaaraha Ruushka, Dmitry Medvedev, Madaxweynaha Afghanistan, Ashraf Ghani, Madaxweynaha Tajikistan, Imomali Rakhmon iyo shacab aad u fara badan oo wajiyadooda laga dheehan karay Murugo, waxaa sidoo kale si weyn loo adkeeyay amaanka dalkaas.
Maalmihii la soo dhaafay, ayaa waxaa la hadalhaayay Geerida Madaxweynaha Wadanka Uzbekistan, Islam Karimov , balse Jimcihii ayay si rasmi ah Xukuumadda Tashkent ugu dhawaaqday Geerida ku timid Madaxweynaha.














