Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo maanta Gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ka jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ee ahaa in ay Puntland tahay labo gobal iyo bar (2.5).
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay Puntland ka tahay Gobaladii 18-ka ahaa 5 gobal iyo bar, aysan waxba ka jirin hadalka Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaliya, islamarkaana uu yahay mid xaqiiqada dalka looga been sheegay.
Madaxweynuhu wuxuu cadeeyey in ay Puntland hadda tahay 9 gobal oo buuxa, kuwaas oo ku talaabsaday Amni iyo kala dambeyn, isagoo sheegay in cid kasta oo ka xun kana soo horjeeda Amniga iyo daganaanshaha Puntland ay Puntland cadow u tahay.

