Qaramada Midoobe  oo ka Digtay Cimilada La Nina oo Laga Yaabo in ay Saamayso Gobolada Waqooyi ee Somaliya

0

Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in Cimilada La Nina aysii xumayn karto abaaro iyo baahi ka taagan Somaliya gaar ahaan Gobolada waqooyi halkaas oo dad badan ay xoolohooda kala haajireen degaanadii ay ku noolaayeen sababo la xiriira biyo la’aan ka jirta deeganada.

Warbixintaan kasoo baxday Qaramada midoobe ayaa waxa ay sheegaysaa in L a Nina, ayaa sidoo kale qobow daran   ka dhalin karto deegaanada uu maro dhulbarahu ee Somalia.

Cimilada La Nina waxaa la saadaaliyay in ay suurtogal tahay in ay saamayso Somaliya oo dhan inta u dhaxaysa bilaha October illaa iyo January waqtigaas oo ku beegan xiliga dayrta oo roobab aan badnayn ay ka da’aan dalka.

Qaramada midoobe ayaa xustay in Dalagii kasoo go’i jiray beeraha uu hoos u dhac ku yimid boqolkiiba 30% illaa iyo 50% bishii August ee lasoo dhaafay bartamaha iyo koofurta Somaliya taas oo la tilmaamay in ay sabab u aheed xili roobaadkii gu’ga oo ku beegnaa intii u dhaxaysay bilihii April iyo July,oo roob yaraan ay ka jirtay Somaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here