Taliska Hay’adda Nbad Sugida iyo Sirdoonka qaranka ee Gobolka Baay ayaa maanta Magaalada Baydhabo ee Gobolkaas kusoo bandhigay sarkaalkii daacish-ta Soomaliya u qaabilsanaa Gobolka Baay iyo Bakool iyo askar isaga ilaalo u aheyd.
Askarta la soo bandhigay iyo sarkaalkii Daacish u qaabilsanaa Gobolada Baay iyo Bakool ayaa lagu kala magacaabaa Cali Maxamed Gaaboow WakiilkaDaacish ee Gobalka Baay, Mahad Nuux Siidoow, Sameyta iyo diyaarinta Qaraxyada Macmalka, C.casiis Xasan Mursal Jabhadaha, iyo Maxamed Sh Isaaq oo Bambo tuurka qarxinta miinooyinka qaabilsan.
Ugu horeyntii Cali Maxamed Gaaboow ayaaWarbaahinta u sheegtay in uu wakiil u ahaa Daacish iyo in uu Afar Sano uu al-shabaab ka tirsanaa una qaabilsanaa dhinaca dagaal galinta kana Shaqeynjiray Ceelasha illaa iyo Marko, Balse mar dambe uu is fahmi waa soo kala dhexgalay kadibna uu ku biiray Daacish-ta soomaliya.





