Baydhabo oo Lagu Soo Bandhigay Sarkaalkii Daacish-ta Soomaliya u Qaabilsanaa Gobolada Baay iyo Bakool iyo Askar Kale +Sawirro

0

Taliska Hay’adda Nbad Sugida iyo Sirdoonka qaranka ee Gobolka Baay ayaa maanta Magaalada Baydhabo ee Gobolkaas kusoo bandhigay sarkaalkii daacish-ta Soomaliya u qaabilsanaa Gobolka Baay iyo Bakool iyo askar isaga ilaalo u aheyd.

Askarta  la soo bandhigay  iyo sarkaalkii Daacish u qaabilsanaa Gobolada Baay iyo Bakool ayaa lagu kala magacaabaa Cali Maxamed Gaaboow WakiilkaDaacish ee Gobalka Baay, Mahad Nuux Siidoow, Sameyta iyo diyaarinta Qaraxyada Macmalka, C.casiis Xasan Mursal Jabhadaha, iyo Maxamed Sh Isaaq oo Bambo tuurka qarxinta miinooyinka qaabilsan.

Ugu horeyntii Cali Maxamed Gaaboow ayaaWarbaahinta u sheegtay in uu wakiil u ahaa  Daacish  iyo in uu Afar Sano uu al-shabaab ka tirsanaa una qaabilsanaa dhinaca dagaal galinta kana Shaqeynjiray Ceelasha illaa iyo Marko, Balse mar dambe uu is fahmi waa soo kala dhexgalay kadibna uu ku biiray Daacish-ta soomaliya.

vlcsnap-2016-09-02-11h07m41s44 vlcsnap-2016-09-02-11h08m08s198 vlcsnap-2016-09-02-11h09m04s117 vlcsnap-2016-09-02-11h09m24s29

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here