Aabe, Wiilkiisa iyo Nin u Soo Martiyay oo Lagu Dilay Deegaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Sabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya  in rag  Hubeysan ay xalay saqdii dhexe deegaanka Biya Cadde ee Gobolkaas  ay ku dileen Aabe, Wiilkiisa iyo Nin usoo martiyay xiligaas.

Dilka dadkan ayaa waxa la sheegay in ay ka dambeeyeen koox afka soo duubatay oo loo maleynayo in ka tirsan yihin  Xarakada Al-shabab kuwaasi oo ka koobnaa 9-ruux.

Aabaha la dilay wiil u dhalay  oo diiday in codkiisa iyo magaciisa aan u adeegsano Warbaahinta ayaa u Xaqiijiyay idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho in aabihiis, Walaalkiisa, iyo odoyay marti u ahaa in xalay ay dileen Al-shabab sida u hadalka u dhigay.

Aabaha la dilay ayaa lagu magacabi jiray Cusman Cabdi Haruur, Wilkiisana waxa lagu magacaabi jiray isna   Cadaay Cusmaan Cabdi, halka  ruuxa Sadaxaad lagu Magacabi jiray Xaaji Cali Taakoow  oo la tilmamay in cida uu marti u ahaa .

Dhanka kale Gudomiye ku-xigenka dhanka Amniga iyo Siyasada degmada Jowhar iyo Mas’uliyiin kale oo ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabelaha Dhexe ayaa gaaray goobta Xalay falku uu ka dhaay waxaana gudomiye ku xigeenka uu xaqijiyay dhimashada ragaan ka kobnaa 3-ruux waaxana u sheegay in hada u socdo baaritaano lagu ogaanayo dadki ka dambeyay falkan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here