Wararka ka imaanaya Gobolka Sabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in rag Hubeysan ay xalay saqdii dhexe deegaanka Biya Cadde ee Gobolkaas ay ku dileen Aabe, Wiilkiisa iyo Nin usoo martiyay xiligaas.
Dilka dadkan ayaa waxa la sheegay in ay ka dambeeyeen koox afka soo duubatay oo loo maleynayo in ka tirsan yihin Xarakada Al-shabab kuwaasi oo ka koobnaa 9-ruux.
Aabaha la dilay wiil u dhalay oo diiday in codkiisa iyo magaciisa aan u adeegsano Warbaahinta ayaa u Xaqiijiyay idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho in aabihiis, Walaalkiisa, iyo odoyay marti u ahaa in xalay ay dileen Al-shabab sida u hadalka u dhigay.
Aabaha la dilay ayaa lagu magacabi jiray Cusman Cabdi Haruur, Wilkiisana waxa lagu magacaabi jiray isna Cadaay Cusmaan Cabdi, halka ruuxa Sadaxaad lagu Magacabi jiray Xaaji Cali Taakoow oo la tilmamay in cida uu marti u ahaa .
Dhanka kale Gudomiye ku-xigenka dhanka Amniga iyo Siyasada degmada Jowhar iyo Mas’uliyiin kale oo ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabelaha Dhexe ayaa gaaray goobta Xalay falku uu ka dhaay waxaana gudomiye ku xigeenka uu xaqijiyay dhimashada ragaan ka kobnaa 3-ruux waaxana u sheegay in hada u socdo baaritaano lagu ogaanayo dadki ka dambeyay falkan.

