Inta la xaqiijiyay 11-qof ayaa ku dhimatay tiro intaas kabadana way ku dhaawacmeen kadib markii dagaal u dhaxeeya Labo maleeshiyo beeleed uu ka dhacay Deegaan lagu magacaabo Ceel afweyn oo ka Tirsan Gobolka Sool.
Xoghayaha deegaanka Ceel afweyn oo ka Tirsan Gobolka Sool Maxamed Cilmi Xarfeeye oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday saqdii dhexe ee xalay islamarkaana uu soo gaaray ilaa duhurnimadii maanta xaaladana ay haatan tahay mid aad u dagan.
Maxamed Cilmi Xarfeeye waxa uu sheegay in ay ku rajo weyn yihiin xalinta dagaal beeleedka ka dhacay Deegaanka Ceel afweyn oo ka Tirsan Gobolka Sool.

