Ninkaan oo gudoomiye ka ahaa deegaan lagu magacaabo Bula Mpya ayaa maxkamad lagu soo saaray magaalada Mandera waxaana loo haystaa eedo laxariira in uu si sharcidaro ah dad Somali ah ku gelinayay dalka Kenya.
Abdikadir Madey Abdi, oo ka soo hor muuqday maxakamada sarre Areri Peter ee degmada Mandheera ayaa lagu eedeyay in dad ajaanib ah oo Somali ah uu u fududeeyay sidii ay ku gali lahaayeen dalka Kenya taas oo dambi ka ah dalkaas.
Dhageysigii ugu horeeyay ee maxakamada ayaa bilaabatay 24th August ee sanadkaan waxaana la tilmaamay in Abdikadir Madey uu fududeeyay soo gelitaanka dalka Kenya 3 qof oo ka yimid yihiin Somalia oo lagu kala magacaabo Fouzia Jeylaw Abuu Alias, Ladhan Ali Adan, iyo Ahmed Sheikh Mohamed.
Gudoomiyahaan ayaa sidoo kale waxaa eedaymaha loo haysto ku jira laba qof oo kale oo la sheegay in si bilaa sharci ah uu ku geeyay magaalada Nairobi.
Dadkaas oo la sheegay markii dambe in ay magaalada Nairobi ku qabteen ciidamada booliska dalka Kenya.

