Pogba oo ku Dhow ku Biirista Midkood kooxaha Sunderland iyo Hull city

0

Walaalka Paul Pogba Florentin Pogba ayaa haatan ku dhow ku biirista midkood kooxaha Sunderland iyo Hull city oo labadaba ka ciyaarta horyaalka ingiriiska heerkiisa kowaad.

Florentin Pogba ayaa haatan difaaca dhexe kaga ciyaara kooxda Saint-Etienne ee Horyaalka dalka France  waxaana haatan macquul ah in uu u soo dhaqaaqo Horyaalka dalka Ingiriiska madaama  walaalkiisa Paul Pogba uu u ciyaaro naadiga Manchester United.

Kooxda ka dhisan woqooyi bari Dalka Ingiriiska ee Sunderland ayaa ku dhow saxiixa xidigaan madaama laacibkeeda  Lamine Kone uu ku dhow yahay ku biirista kooxda Everton halka sidoo kale Hull City ay sidoo kale xiiseenayso.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here