Laacibka Bastian Schweinsteiger ayaa hoos u dhigay Fursad uu ugu biiri lahaa kooxaha Horyaalka Portugal ee Benfica or Sporting sida lagu daabacay Majalada A Bola
Xidigii hore ee xulka dalka Germany ayaa booskiisa joogtada ahaa ka waayay macalinka cusub ee kooxda Manchester United Jose Mourinho oo dhawan la wareegay shaqada.
Warar kaloo soo baxay ayaa muujinaya in xidigii hore ee kooxda Beyer Munich Schweinsteiger uu heshiis la gaaray kooxda Sporting Lispon kaasi oo ka dhigan In uu dhaqaaqayo horyaalka Portugal madaama uusan u dagaalami Karin booskiisa Garoonka Old Trafford.

