Wasiirka Amniga Gudaha:-“Hadii Hoteelka Amniga Qofka uusan Suggi karin Inuu Furnaado Ma’ahan”,

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka  Soomaliya  Mudane C/risaaq Cumar maxamed ayaa sheegay in  loogu baahan yahay Maamulayaasha Hoteelada Magaalada  Muqdisho  in ay sugaan  amnigooda.

Mudane C/risaaq Cumar maxamed Wasiirka  ayaa tilmaamay in Laamaha amaanka Dowlada Soomaliya in aysan kaligooda xaqiijin Karin amaanka goobaha Hoteelada looguna baahan yahay dhankooda Maamulayaasha Hotelada Magaalada  Muqdisho  in ay dowlada kala shaqeeyaan Sugida Amniga.

“Hal mid ayaan rabaa inaan sheego dadka shacabka ah ee Hoteelada isugu imaanaayo ee degan, hadii Hotelka amniga qofka uusan suggi karin inuu furnaado ma’ahan marka taas in la ogaado ayaan rabaa ma’ahan dhibkii dhaca in la dhaho Hay’adaha amniga ayaa masuuliyadaasi iska leh”, ayuu yiri Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaliya  Mudane C/risaaq Cumar maxamed.

Dhowr jeer oo hore waxaa weeraro qorshaysan lagu qaaday Hoteelo ku yaala Magaalada Muqdisho Mikiilayaasha Hoteelada ayaa dowlada Soomaliya ku eedeeyay in aysan  Xil iska saarin sugida  amniga Hoteelada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here