Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane C/risaaq Cumar maxamed ayaa sheegay in loogu baahan yahay Maamulayaasha Hoteelada Magaalada Muqdisho in ay sugaan amnigooda.
Mudane C/risaaq Cumar maxamed Wasiirka ayaa tilmaamay in Laamaha amaanka Dowlada Soomaliya in aysan kaligooda xaqiijin Karin amaanka goobaha Hoteelada looguna baahan yahay dhankooda Maamulayaasha Hotelada Magaalada Muqdisho in ay dowlada kala shaqeeyaan Sugida Amniga.
“Hal mid ayaan rabaa inaan sheego dadka shacabka ah ee Hoteelada isugu imaanaayo ee degan, hadii Hotelka amniga qofka uusan suggi karin inuu furnaado ma’ahan marka taas in la ogaado ayaan rabaa ma’ahan dhibkii dhaca in la dhaho Hay’adaha amniga ayaa masuuliyadaasi iska leh”, ayuu yiri Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaliya Mudane C/risaaq Cumar maxamed.
Dhowr jeer oo hore waxaa weeraro qorshaysan lagu qaaday Hoteelo ku yaala Magaalada Muqdisho Mikiilayaasha Hoteelada ayaa dowlada Soomaliya ku eedeeyay in aysan Xil iska saarin sugida amniga Hoteelada.

