Al shabaab oo Sheegay in ay Beegsan doonaan Xarumaha Laga Goosto kaarka Aqoonsiga ee Dowlada hoose

0

Xarakada Al-shabaab ayaa faahfaahin ka bixisay weerarkii shalay lagu qaaday afafka Hore ee Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaliya ee qasaarahana gaarsiiyay Hoteelo ka ak dhawaa meesha.

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Shiikh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere) oo la hadlay warbaahinta Xarakada Al-shabaab  ayaa ka hadlay weerarkii  ka dhacay Hotelka SYL iyo agagaarka xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Shiikh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere)   ayaa sheegay in weerarka uu fuliyay mid kamid ahaa ciidamada Xarakada oo gaarigiisa ku beegsaday god ka mid ahaa godadka lagu dhibo muslimiinta  sida uu hadal u dhigay oo ay ku shirsanaayeen saraakiil ka tirsan Dowlada oo kala ah Wasiiro,Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan xubnaha dowladda .

“Goobta aan beegsanay waxaa lagu soo maleegayay shar iyo dhib ka dhan ah muslimiinta laakiin waxyaabihii la maleegayay wuxuu Alle nooga kaafiyay walaalka istish haadiga ah ee manta beegsaday Hotlka SYL” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Shiikh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere) Shirka Jaraa’id ee Sh Cali ayuu sidoo kale ku faah faahiyay khasaaraha dhabta ah ee dowladda Federaalka ka gaaray kadib weerarkii ismiidaaminta ee ka dhacay afafka Hore ee Madaxtoooyaa , dhimashada askarta iyo saraakiisha ayuu sheekhu ku sheegay inay sii caga cageyneyso afartameeyo halka dhaawacuna uu ka badanyahay 70 qof.

Dhanka kale Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Shiikh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere)  ayaa shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya iyo hareeraheeda uga digtay qaadashada Kaarka aqoonsiga Dowlada Hoose  oo dhibaato dhan walba ah ukeenaya bulshada waa siduu hadal u dhigee.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here