Guddi Wasiiro ah oo Maamulka Galmudug uu u Xil saaray inay Xaliyaan Xiisad Dagaal oo u Dhexaysa Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa gaaray deegaano dhaca Bariga Gobalka Mudug.
Guddigaan oo ay mid yihiin Wasiiro iyo Madaxda Maamulka Gobalka Mudug ee Galmudug ayaa Waxa ay gaareen Deegaanka Qarqoora oo dhaca Bariga Gobalka Mudug kaasi oo ka mid ah meelaha ay saameynta ba’an ay ku yeelatay Colaada ka Dhexeysa labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada War-faafinta Maamulka Galmudug Daahir Faarax Fiidoow oo ka mid ah Wafdigaan ayaa Sheegay in ujeedka Socdaal koodu uu yahay in ay xal u raadiyaan Xiisada Maalmihii danbe ka jirtay Bariga Gobolka Mudug wax uu Bulshada Deegaanadaasi uga Baaqay in ay gacan ka geestaan oo Afjarida Coolaadaasi’.

