Xildhibaan Dalxa oo Dalbaday In Baaritaano Lagu Sameeyo Rasaas ay ilaaladiisa ku Fureen dad Shacab ah+Dhageyso

0

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa dalbaday In baaritaano lagu sameeyo rasaas ay qaar kamid ah ilaaladiisa ku fureen dad shacab ah oo marayay agagaarka Dekedda Magaalada Muqdisho.

Maxamed Cumar Dhalxa oo wareysi siiyay idaacada simba ayaa sheegay in uu aad kaga xumaaday dhacdada ka dhacday degmada Xamar Jajab ay geysteen qaar kamid ah ilaaladiisa islamarkaana ay haatan isla garteen laamaha amaanka dalka in baaritaano lagu sameeyo arintaas.

“Walaahi aad ayaan kaga xumahay  waxa dhacay aniga lama soconin, waxa saas sameeyay waxa ay ahaayeen qaar kamid ah  ilaaladeyda, waa wax aad loogu xumaado laamaha amaanka dowlada Soomaliya waxa aan ka dalbanaynaa in ay baaritaano  ku sameeyeen arintaan”, ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa.

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Kornel Bishaar Abshir Geedi oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in ay qabteen gaari uu lahaa mas’uul ka tirsan dowladda iyo ilaaladii saarneed gaariga, kuwaas oo rasaaseeyay dad shacab ah oo marayay wadada hormarta xarunta dekeda magaalada Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here