Hooyo iyo Cunugeeda oo Dhintay kadib Markii uu kusoo Dumay Dhisme Laba Dabaq ah oo ku Yaala Degmada Shangaani

0

Inta la xaqiijiyay labo qof oo uu ku jiro Ilmo yar ayaa ku dhintay kadib markii Dhisme laba Dabaq ah oo ay daganaayeen Dad shacab ah uu ku dumay degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Ciidamadda Booliska iyo Kooxaha Gormadka Deg Dega ee Gobalka Banadir oo halkaas gaaray ayaa dhismaha Hoostiisa ka soo saaray meedadka Ilmo yar iyo Hooyadiisa ,waxeyna sidoo kale ku guuleesteen in halaas ay ka soo saaraan Afar qof oo bad qaba .

Agaasimaha Waaxda Gurmadka Deg Dega ee Gobalka Banaadir Mudane C/laahi Maxamed Sanay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dhisme ka kooban laba dabaq uu soo dumay islamarkaana laga soo soo saaray hooyo Meedka oo  Magaceeda lagu sheegay Xabiibo  iyo Cunug yar ay Dhashay,islamarkaana ay Dad kale oo bad qaba ay halkaasi ka soo saareen .

Dhismaha dumay Xalay ayaa ahaa  Gurigii hore ee Madbacadda Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybtii la dhigi jirey Matoorada oo ku taala Degmada shangaani ee Gobalka Banaadir sida uu sheegay Agaasimaha Waaxda Gurmadka Deg Dega ee Gobalka Banaadir Mudane C/laahi Maxamed Sanay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here