Dhageyso:-Nin Madaxa Loogu jirey oo Labo Ruux ku Dilay Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaguud

0

Nin la sheegay in madaxa loogu jiro ayaa habeenkii xalay Gudaha degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaguud ku dilay labo ruux xili ay ku sugnaayeen goob salaada lagu tukado.

Nabadoon Yuusuf Shire Warsame oo kamid nabadoona degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaguud oo la hadlay idaacada simba ee Magalada Muqdisho ayaa sheegay in ninka madaxa loogu jiray uu maalmihii dambe ku jirey xarun lagu hayo dadka dhimarka loogu jiro islamarkaana uu xalay labo ruux  ku dilay Gudaha degmada xili uu soo baxsaday.

Nabadoon Yuusuf Shire Warsame ayaa tilmaamay in ninka  madaxa loogu jiray uu watay qori islamarkaana uu rasaas ku furey nin nabadoon ahaa  oo sidoo kale ahaa walaalkiisa oo  lagu magacaabi jirey Faarax Qalaf iyo nin kale oo  ganacsade ahaa oo xiligaas isku diyaarinaayay salaadii maqrib, islamarkaana ay labadoodaba ay halkaas ku dhinteen.

Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaguud  ee Bartamaha dhulka Soomaliya waxaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay dilalka ay geysanayeeen dadka madax loogu jiro iyadoo aysan jirin cid arintaas wax ka qabatay ilaa haatan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here