Maamulka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo Xaliyay Shaqo Joojin Ay Sameeyeen Shaqalaha Garoonkaasi+Dhageyso

0

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan Cadde  ayaa ku guuleystay in ay xaliyaan  shaqo joojin ay saakay sameeyeen qaar kamid ah  shaqalaha Garoonkaasi.

Mid kamid ah shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho oo La Hadlay idaacada simba ayaa sheegay in ujeedkooda uu ahaa markii hore  in ay  banaanbax dhigaan balse ay maamulka Garoonka diyaaradaha  ay ku wargaliyeen in ay xalin doonaan waxyaabaha ay ka Cabanayaan.

“Saakay qaar kamid ah shaqaalaha Shirkadda Favori ee Turky-ga laga leeyahay waxa ay sameeyeen shaqo joojin iyagoo ka cabanayaan mushaar aan loo kordhinaynin, iyo Cadaadis uu Maamulka Shirkadda saareyo shaqaalaha, ujeedka shaqaalaha waxa uu ahaa in ay soo bandhigaan dhibaatooyinka ay shirkado ku hayso balse waa la xaliyay arintaas” ayuu yiri mid kamid ah shaqaalaha Garoonka Muqisho.

Shaqo joojinta ay sameeyeen shaqaalaha shirkadda  ayaa lagu micneeyay  kadib markii maamulka shirkadda ay usoo bandhigeen shaqaalaha qodobo ay kamid ahaayeen.

-In qofkii soo daaha mushaharkiisa lacag laga jarayo, iyadoo la ogyahay xaalada magaalada Muqdisho oo weeraro ay ka dhacaan wadooyinkana la iska xirto.

-In qofkii loo dilo ama loo dhaawaco magaca shirkadda uusan wax xuquuq ah ku laheyn shirkadda.

-Fasax la’aan qofkii shaqada ka maqnaada sadex cisho in shaqada laga ceyrinayo.

-In qofkii maqnaada toban cisho wax ka badan inuu shaqadiisa waayayo xitaa hadii uu fasax qaatay ama xanuunsan yahay iyo qodobo kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here