Faah-faahin ku Saabsan Dagaal ka Dhacay Degmada  Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo

0

Inta la xaqiijiyay 12-ruux oo isugu Jira  Maleeshiyaad hubeysan iyo Ciidamada Maamulka Jubba-land ayaa ku dhintay kadib markii  dagaal Xoogan uu ka dhacay Gudaha Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Dagaalka  ayaa ka dhashay askari ka Tirsanaa  ilaalada Wasiirka Maamulka Jubba-land  C/rashiid Janan oo shalay  toogasho ay ku dileen Ciidamada amaanka Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo kadib markii qarax miino uu ka dhacay maqaayad ku taala degmadaas.

Ciidamada Maamulka Jubba-land gaar ahaan kuwa  ilaalada Wasiirka Amniga Mamulka jubba-land oo arintaas ka duulaya ayaa weerar ku qaaday Ciidamada Maleeshiyaadka ahaa ee  ku sugnaa Gudaha  Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo ee shalay toogashada ku dilay askariga kamid ahaa ilaalada Wasiirka.

Dagaal socday muddo saacadaha  ayaa ka dhacay Gudaha Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo Ugu dambeyna waxaa la sheegay in gudaha degmadaas laga saaray Maaleeshiyaadkii Horey ugu sugnaa sida  wararka qaar  ay sheegayaan

Dhanka kale Taliyaha saldhiga booliska Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo Shukri C/laahi Xuseen oo la Hadlay idaacada samba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka uu socday muddo saacada ah islamarkaana haatan ay labada dhinac ka kala joogaan Degmada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here